Howlgal xalay laga sameeyey Xaafado ka tirsan Muqdisho

0
680

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir, howlgalkaas oo lagu soo qaqb qabtay dad farabadan.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxa uu ahaa mid Guryaha qaar ay baaritaano ku sameynayeen,waxana goobjoogayaal ay sheegeen in dhalinyaro farabadan howlgalkaas lagu qabqabtay,kuwaas oo la geeyey Xarumo ku yaalla degmada Hodan  wallow markii dambe badankood la sii daayey.

Saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey,isla markaana uu qeyb ka ahaa howlgallo isdaba-joog ah oo habeenadii la soo dhaafay laga sameeyey degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Sidoo kale intii uu xalay howlgalka socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay Goobaha Ganacsiga qaar iyo isku-socodka dadka iyo gaadiidka,hayeeshee markii dambe dib loo fasaxay,welina laamaha amniga Soomaaliya ma shaacin dad lidi ku ah amniga oo ay howlgalka ku qabteen.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa si isdaba-joog ah ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya howlgallo xilliyada habeenkii uga sameynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir iyo duleedka Magalada Muqdisho, howlgalladaas oo Hay’adaha Amniga ay sheegeen in uu yahay mid amniga lagu sugayo.