Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ay afduubteen Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobalkaas.
Mas’uulkaan la afduubtay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Ibraahim,waxaana xilliga la afduubanayay uu ku howlanaa diyaarinta imtixaanka Dugsiyada Sare oo ay qaado wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xilliga lka afduubanayey uu ka yimid degmada Buurdhuube ee isla Gobolka Gedo,waxana weli la ogeyn halka Al-Shabaab ay la aadeen mas’uulka ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarsada Jubbland oo ay kala dageen gaari uu watay.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin afduubka Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobolka Gedo,hayeeshee wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in uu socdo qorsho lagu soo badbaadinayo.