Sawirro:Tababar ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa JFS oo ku sabaanaa wacyigelinta abaabulka bulshada iyo saameeynta deegaanka Ku yelan karto soo saarista dhuxusha

0
639

Tababarkan oo u badnaa wacyagelin iyo aqoon kororsi sida looga hartagi karo nabaad guurka dalka iyo kheyraadka dhirtaba guud ahaan ayaa waxa  lagu qabatay Magalada muqdisho, waxana kasoo Qeyb galay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Qubaro Aqoonyahano ah, haweenka ka ganacsada dhuxusha, Odiyaayaal iyo marti sharaf kale/

Ugu danbeyntii Tababarka  waxaa Soo Xeray Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xolaha Dhirta Iyo Daaqa Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xussen  Kula Dardaarmay  Bulshadda Soomaliyeed  In ay ilaaliyaan, Kana hortagaan Xaalufinta Dhirta ee loo isticmaalaayo dhuxusha taasoo hadii ay sii socotana sababi Karta dhibaatooyin nabaad-guurka dalka ah Sida Duufaano fatahaadyo iyo abaara Daba Dheeraada.

Waxuuna balan qaaday  Wasiirka in ay Kordhin donaan sanadkaan qeybinta Jikooyinka gaas ayadoo Wasaaradu  sanadkii tagay 2018-ka  gaarsiisay  Gobolka Banaadir jikooyin ilaa 600 qoys ka faideysteen, qorshana uu sii socon doono ilaaay  bulshadu garawsato isticmaalka  gaaska, iloodana midaan  Isticmaalka Dhuxusha ah ee nabaad-guurka dhalisay.