Ciidamadda Kenya oo looga digay inay faragelin ku sameeyaan siyaasadda Soomaaliya

0
789

Taliyaha guud ciidamada Kenya ayaa digniin siiyay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada Jubbaland.

Taliyaha guud ee ciidamada Kenya Samson Mwathethe iyo Raychelle Omamo  oo ah xoghayaha difaaca Kenya ayaa labaduba kaga digay ciidamada Kenya inay faragelin ku sameeyaan siyaasadda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa kulamo uu la qaatay saraakiisha ciidamadda Kenya ee ku sugan Jubbaland u sheegay in looga baahan yahay inay ka fogaadaan qaab kasta oo ay ku faragelin karaan siyaasadda Soomaaliya ee xiligan.

Samson Mwathethe, ayaa ka codsaday ciidamadda Kenya iyo saraakiisha inay gutaan waajibaadka loo xil saaray oo ah ilaalinta amaanka, balse marnaba aysan door ku yeelan siyaasadda Soomaaliya.

Ciidamadda Kenya ee ku sugan Jubbaland ayaa marar badan lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen dagaalo siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa ciidamadeeda soo gelisay Soomaaliya sanadkii 2011 xiligaasi oo ay sheegeen iney Al-shabaab la dagaalamayaan.

Kenya ayaa weerarkii ugu dhimashada badnaa kala kulantay Al-shabaab, markii dagaal muddo socday uu ka dhacay saldhiga ciidamadda Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, waxaana weerarkaasi lagu tilmaamaa weerarkii askarta ugu badan kaga dhinteen howlgalka AMISOM loogu magacdaray.