Mas’uuliyiin loo xir xiray eedeyn la xiriirta musuq maasuq

0
660

Gudodomiyihii hore ee Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya Evans Kidero ayaa la dhigay Xabsiga, kadib markii lagu eedeeyey falal la xiriira musuq maasuq.

Kidero waxaa lala xiray madixii hore ee shaqaalaha ee dowladda hoose ee Nairobi George Wainaina. sida ay wararku sheegayaan.

 

Garsoorayaasha dalka Kenya ayaa dhawaan waxa ay sheegeen inay jiraan cadeymo lo ohayo eedeyn la xiriirta musuq masuq 17 ruux oo uu ku jiro Gudodomiyihii hore ee Magalada Nairobi.

Qareenada u doodaya dadka eedeymaha loo heysta weli kama aysan hadlin arrintaasi,waxaana Dowladda Kenya todobaadyadii la soo dhaafay ay waday xiritaanka mas’uuliyiin lagu helay falal musuq maasuq ah.