Xili ay soo baxeyn warar ku aadan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland C/Raxmaan Cirro oo iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ay kuwada kulmeen magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, iyagoo kawada hadlay sidii Somali-land si toos ugu qeyb gali laheyd doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkan2020-ka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland C/Raxmaan Cirro ayaa tilmaamay in aysan jirin kulan dhexmaray isaga iyo Raisulwasaaraha Soomaliya kaasi oo diirada lagu saaray Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee mustaqbalka ah.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland C/Raxmaan Cirro ayaa sidoo kale tilmaamay in Xisbiga haya talada Maamulka Somaliland ee Kulmiye uu mowqifkiisa yahay mid cad islamarkaana Somali-land aysan ka qeyb qaadan doonin Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka iyo kan 2020-ka.
Somali-land waxaa sanadka soo socda ee 2017-ka ka dhacaya doorasho waxaa isku haya labada xisbi ee ugu saameynta badan maamulkaas ee kala ah Wadani iyo Kulmiye.