Gargaar la gaarsiiyay degaanadii laga qabsaday Shabaab

0
702

Ciidammada Kummaadoosta Soomaaliya ayaa mar kale gurmad raashiin ah gaarsiiyey shacabka masaakiinta ah ee ku sugan degaannada Sabiid iyo Caanoole.

Ciidammada DANAB ee Xoogga Dalka ayaa tagay degaannada Sabiid iyo Caanoole iyagoo gawaaridooda ku soo raray raashiin noocyo kala duwan leh oo ay ugu talo galeen in ay uga jawaabaan dhibaatada dhinaca nolosha ah ee ka jirta deegaanadii ay dhowaan sida xoogga ah uga saareen  Al-shabaab.

Taakuleyntaan oo ah tii labaad ayaa  ujeedkeedu yahay in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee u baahan amniga iyo gurmadka, kuwaas oo sannado badan aanan helin gargaar sidaan oo kale ah.