Dilka Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Qalabta Sida ee Puntland Oo La Sheegtay…

0
671

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu qaarijiyay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada qalabta sida ee Puntland C/kariin Xasan fardhiye, oo maanta lagu toogtay gudaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan iyo mid kamid ah ilaaladiisa, oo maanta lagu qaarjiyay Gudaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari.
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al Shabaab oo Radio Andalus la hadlay ayaa sheegay in Col. Cabdi Kariim  Xasan Firdhiye uu dhibaata daran ku haayay waa siduu hadal u dhigee shacabka Muslimiinta sida isagoo xukunno dilal ah ku ridi jiray dhalinyarada iyo dad kale oo rayid ah isagoo ku eedaynayay in ay katirsanyihiin xarakada Al-shabaab.
Al Shabaab waxay sheegtay in sarkaalkan ay ku dishay Boosaaso uu caan ku ahaa dhibaataynta dadka rayidka ah sidaasna ay ubeegsadeen.
Dhanka kale war kasoo baxay Maamulka Puntlnd ayaa lagu sheegay in shaqsiyaad loo qabtay dilka maanta iyo dilal kale oo ka dhacay gudaha Magaladaas.