Wasaaradda Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Ee Maamulka Gal-Mudug oo Maanta Dib U Hawl-galisay Xaafiiskeeda Ay Ku Leedahay Magaalada Cadaado

0
738

Wasaaradda Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Ee Maamulka Gal-Mudug Ayaa Maanta Dib U Hawl-galisay Xaafiiskeeda Ay Ku Leedahay Magaalada Cadaado Kaas Oo Aan Shaqeyn Muddo Ku Siman Hal Sano.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Cabdullahi Cali Maxamed Ayaa Sheegay In Xaafiiskaan Cadaado Laga Hir-Geliyey Muddo Haatan Laga Joogo-sano

Balse Ay Shaqadiisu Hakad Ku Jirtay Halkii Samo E Ugu Dambeysay Sababa La xariira Isku Darkii Maamullada Ahlu-Sunna Iyo Gal-Mudug Sida Uu Sheegay Wasiirku.

Dhinaca Kale Saciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Gal-Mudug Oo Isna Dhankiisa Hadalka Qaatay

Ayaa xusay In Xaafiiskaan Uu Muhiimad Gaar Ah U Leeayahay Shaacbka Reer Gal-Mudug Gaar kuwa Ku Dhaqan Cadaado Iyo Nawaaxigeeda.

Xaafiiska Wasaaradda Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Gal-Mudug Ee Magalada Cadaado Ayaa La Hir-Geliyey Afar Sano Ka Hor

Balse Ma Shaqeynin Halkii Sano Ee Ugu Dambeysay Waxa Uuna Xaafiiskaan Muhiimad Gaar Ah u Leeyan Doonaa Gadiidleyda Ku Dhaqan Cadaado Iyo Nawaaxigeeda.