Galmudug oo qabatay Gaadiid Hub siday

0
636

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen Gaadiid Xamuul ah oo la sheegay in lagu soo dhex qariyay Hub.

Gaadiidkaan ayaa lagu qabtay duleedka Magaaalda Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay shaqsiyaad waday Hubka iyo Gaadiidka.

Saldhigga Magaalada Dhuusamareeb ayay ku xiran yihiin, waxaana hadda ku socota baaris sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso hubkaan, waxaana ay sheegtay in ay socdaan baaritaano.