Wararkii ugu dambeeyay Kulamo Nairobi uga socda Madaxda maamul goboleedyadda

0
737

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ka socda kulan ay leeyihiin Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Kulamaddaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana ay sidoo kale ka hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda iyo soo celinta Shirarkii Madaxda maamul goboleedyadda.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi, waxaana xalay ku biiray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Madaxda Saddexda maamul ayaa dhawaan diiday Shirkii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay aad uga soo horjeeddaan sidda ay dowladda Soomaaliya ay wax ku waddo.

Warar qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Hirshabeelle laga yaabo in  uu ku biiro Shirka ka socda Nairobi.

Ilo ku dhow Madaxda maamul goboleedyadda ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale ay jiraan dadaallo ay waddaan Madaxda Beesha Caalamka ee ku sugan Nairobi oo ku aadan xalinta Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.