Maxaad U Maleysaa Waqtiga Hadana Ay Mar-Kale Qaadan Karto Doorashada+Akhriso…

0
578

Hogaamiyayaasha madasha-wada-tashiga  marnaba kuma soo hadal qaaday war-murtiyeedkii ay soo saareen waqti kama danbeys ah oo loo qabtay doorashada hogaanka ugu sare dalka , laakiin taa badalkeeda hogaamiyayaasha ayaa soo kordhiyay qodobo kale oo dib uga sii dhigi kara waqtigii markii hore la filayay in la qabto doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Marka leysku geeyo tirada cusub ee lagu kordhiyay xubnaha aqalka sare iyo dib ugu noqoshada 11kii kursi oo ay horay u laaleen guddiga madaxabanaan ee doorashada,  waxaa shaki badan laga muujinayaa in doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka iyo tan madaxweynaha sii dhaafto bisha Janaayo ee sanadka 2017-da.

Sidoo kale,  dib u dhaca hogaanka doorashada waxaa sii xoojinaya gaabiska ay ku socdaan doorashooyinka xubnaha aqal hoose iyo sare ee gobollada W/qooyi oo ilaa iyo hadda aan la soo dhameystirin, gaar ahaan doorashada xubnaha aqalka sare oo wali uu ka taagan yahay khilaaf  la xiriira saami-qeysiga gobollada Sool iyo Sanaag oo ay isku hayaan Siyaasiyiinta ka soo kala jeeda Soomaaliland iyo Puntland.

Kuraasta lagu kordhiyay aqalka sare gobollada W/qooyi ayaa la sheegay in uu soo magacaabi doono ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya  Max’ed Cumar Carte oo la tashi la sameynaya odayaasha dhaqanka beelaha, Samaroon, Ciise iyo Fiqi-Shinni, kaddibna magacaabistiisa u gudbin doono madaxweynaha Jamhuuriyada.

Ugu danbeyntii,   lama oga waqtiga iyo cida rasmi ahaan ku dhawaaqi doonto xiliiga la qabanayo doorashada hogaanka sare ee dalka,  balse waxaa isha lagu wada hayaa furitaanka kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka 10aad ee dalka Soomaaliya oo laga yaabo in ay soo saraan go’aanka ugu danbeeyay ee doorashadan mararka badan dib u dhaca ku yimid.