DEG DEG:-Masuul Ka Tirsan Maamulka Puntlandi Oo La Toogtay…

0
716

Kooxo hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dilay xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland, xili uu kusugnaa bartamaha magaalada.

Dilka kadib ayaa ciidamada maamulka Puntland waxay baaritaano ka bilaabeen xaafadaha magaalada Boosaaso gaar ahaan halka uu dilka ka dhacay.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland C/kariin Xuseen Firdhiye ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee maamulka Puntland.

Laamaha amaanka ee maamulka Puntland ayaanan wali ka hadlin dilka loo geystay xeer ilaaliyaha, balse waxaa socdo baaritaan ciidamada ay sameynayaan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii magaaladaasi lagu dilay agaasimihii madaxtooyada Puntland ee gobolka Bari