Guddoomiyaha Degmada Sallaxley oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine), ayaa u sheegay Warbaahinta qaar ee degaanada Somaliland in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin Cid waxyeelo ay kasoo gaartay , laakiin dadka degaanka taasi ay Cabsi weyn ku abuurtay, waxaa uu sheegay in uu gubtay Jabadkii ” Xeradii” reerku daganaayeen
“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yiri Gudoomiye Shiine.
Weli lama garan cidda leh diyaaradahaas iyo weliba sababta ay u tuureen.