Dawladda Itoobiya oo Marti Gelineysa Kulan Ay Kuwada Hadlayaan Soomaaliya Iyo Soomaaliland.

0
513

Ra’Iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Aby Ahmed Ali Ayaa Sheegay In Dawladiisu Qabaneyso Kulan Ay Ku Wada Hadlayaan Dawladda Soomaaliya Iyo Maamulka Soomaaliland Ee Fadhigiisu Yahay #Hargeysa.

Ra’Iisul Wasaare Aby Waxa Uu Tilmaamay In Ay Ka War Sugayaan Midawga Yurub Oo Dhawaan Wefdi Ka Socda Uu Tagay Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Soomaaliland.
Ururka Midawga Yurub Ayaa Isagu Wada Dadaal Ku Aadan Sidii Uu Ka Qabsoomi Lahaa Wada-Hadalka Soomaaliya Iyo Soomaaliland.
Tasiilaadka Iyo Qarashaadka Ku Baxaya Kulankan Ayaa Sida Qorshuhu Yahay Waxaa Bixinaya Ururka Midawga Yurub Oo Isagu Sheegay In Ay Ka Go’an Tahay Ka Dhabeybta Wada-Hadalka Soomaaliya Iyo Soomaaliland.
Dhinaca Ra’Iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali Ayaa Xusay In Ay Ka Go’an Tahay Xasiloonida Gobolka Geeska Africa Ayna Dawladiisu Ku Dadaaleyso Sidii Ay U Guuleysan Lahaayeen Wada-Hadallada Soomaaliya Iyo Soomaaliland
Hadalkan Ayuu Ra’Iisul Wasaare Aby Ka Sheegay Magaalada Jig-Jiga Ee Xarunta Maamulka somali State Xilli Uu Dhawaan Safar Ku Tagay Dhulka Maamulka Somali State.