Xidhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.
Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada Golaha Shacabka.
Hadal jeedinta Guddoomiyaha ayaa ka dambeysay kadib markii inta badan aysan soo xaadirin kulankii Xildhibaannadda ee maalmihii ugu dambeeyay.
Sidoo kale Ajandaha kulanka ayaa maanta ah in warbixin laga dhageysto Guddiga dib u eegista dastuurka.
Amaanka wadooyinka Soo gala xarunta Golaha shacabka oo aad loo adkeeyay.