Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta Taliska ciidanka booliska ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay saddexdii maalin ee la soo dhaafay Caasimadda ka sameeyeen howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo. Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa tilmaamtay in howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ay qeyb ka tahay qorshe balaaran oo lagu sugayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka
Ugu dambeyntii Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa ka tacsiyadeysay dil maanta Muqdisho loogu geystay mid ka mid ah wadayaasha mootada Bajaajta loo yaqaan oo askari ka tirsan ciidanka minishiiibiyada uu ku dilay Muqdisho, waxaana ay intaa ku dartay in maxkamad lala tiigsan doono askariga falka dilka ah geystay.