Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in uu is casilo

0
585

Senator Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Maanta eedeyn kulul waxa uu u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib furitaanka ka-fadhiga 5aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare.

Waxa uu sheegay Senator-ka in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay waxka qabashada iyo xalinka khilaafka ka dhexjira labada Gole ee Baarlamaanka,isla markaana uu furi waayay kulankii Aqalka sare ee Maanta.

“Tan Maanta dhacday waa nasiibdarro oo madaxweynaha uu sabab u yahay,Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka si awood ah maanta ku furay,sidoo kale amniga faraha ayuu ka baxay marka waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne is casilay ayuu yiri Senator Iftin Xasan Baasto.

Hadalka Senator Iftin Xasan Baasto ayaa kusoo aadaya xilli weli uu khilaaf ka dhexjiro Xildhibaannada labada Aqal,waxaana Madaxweyne Farmaajo uu horay u sheegay in uu xalinaayo balse aysan suurtagelin.