Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in degaanka Goof-guduud Buureey ay Maanta booqasho ku tageen qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka K/galbeed Soomaaliya.
Madaxdii halkaasi gaadhay oo isugu jiray Wasiirro, xildhibaanno,xubno ka tirsan maamulka Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhaba ayaa waxay indha indhayn ku sameeyeen goobihii ay Shalay ku dagaallamaeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo Malleeshiyada Al-Shabaab.
Xubnaha Maanta gaaray Degaanka Goof-guduud Buur Buureey ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Dadka halkaasi ku dhaqan iyo madaxda dhaqanka,waxana la filayaa iney qiimeyn kusoo sameeyaan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka.