Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo Maanta Shir Ka Furay Garoowe

0
701

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka daah-furay wada-tashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta qaranka sagaalaad oo ahmiyadd ballaaran u leh dalka.

Munaasabada Daah-furka Wada-tashiga waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka, Wasiiru dowlaha Qorsheynta Puntland,Agaasimaha guud iyo Shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta Puntland iyo xubnaha ka socday Wasaaradda Qorsheynta Dowladd dhaxe Soomaaliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe.