Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in Hanti-dhawrka Somaliland uu usoo gudbiyay dacwad ka dhan ah Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ka mid ah Somaliland , kuwaasoo loo heysto Eedeymo la xariira Musuq Maasuq.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng;Ciise Axmed Yuusuf Xawar ayaa ka mid ah dadka loo heysto eedeymo kala duwan oo ku saabsan in uu lunsaday Hanti dadweyne, islamarkaana baaris ay ku socoto.
Wasiirka Warfaafinta iyo xubno ka mid ah Agaasimiyeyaasha Wasaaradda ayaa horay loo shaaciyay in loo heysto eedeymo la xariira Musuq Maasuq.
Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland ayaa maalmahaan baaris waxa ay ku hayeen Xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta, waxaana horay loo xiray mas’uuliyiinj ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta iyo agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland.