Shil ay ku dhinteen 12 qof oo ka dhacay dalka Kenya

0
707

12 qof ayaa ku geeriyootey shil gaari oo ka dhacay deegaanka Kikobey gaar ahaan wadada isku xirta Magaalooyinka Nairobi iyo Nakuru ee dalka Kenya subaxnimadii hore ee saakay.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari  nooca xamuulka qaado ah iyo gaari bas ah ay isku dhaceen, xilli ay wadadaas ku wada safrayeen.

Taliyaha Booliska Gilgil Opuru ayaa xaqiijiyey dadka ku dhintay goobta uu shilka ka dhacay,waxaana uu sheegay in kooxaha gurmadka ay soo gaareen goobta si ay kaalmo u geystaan.

Dadka dhintay ayaa isugu jira 7 haween ah iyo 5 rag, waxaana mid ka mid ah uu geeriyooday, kadib markii dhaawiciisa oo hali shaa la geeyey Isbitaalka degmada Gilgil,s ida uu sheegay taliyaha.