Galmudug oo ka hadashay dagaalka Xeraale

0
772

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Caabudwaaq ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo dagaalka degaanka Xeraale.

Waxaa uu beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya ku baaqay in ay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay qaataan dadaallada ay waddaan Mas’uuliyiinta Galmudug ee Colaadda lagu soo Afjarayo.

Carabey ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu baaqay in ay soo faragaliso Xaaladda degaanka Xeraale oo u baahan in Awood Ciidan si dagaalka loo xoojiyo.

Dagaalka ayuu ku tilmaamay Mid siyaasadeysan oo shaqsiyaad gaar ah ay abaabuleen, islamarkaana loo baahan yahay in aan maanta Galmudug dhibaato loo horseedin