Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan Caawa ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo u dhexeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen Balcad,isla markana waxaa qarxay dagaal u dhexeeya labada dhinac,waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in Al-shabaab ay la wareegeen inta badan Degmada Balcad,iyagoo wata gaadiidka dagaalka,Saldhiga degmadaasina kasii daayay Maxaabiis ku xirneyd.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay madaafiic ku garaaceen degmada,kuwaasi oo ilaa iyo haatan aan la ogeyn khsaaraha ay geysteen.
Dhinaca kale diyaarado dagaal ayaa Caawa dul heehaabaya Hawada sare ee Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaan dadka deegaanka sheegeen in ay dareemayaan cabsi xoogan.
Khasaaro isugu jira dhimash iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka dhacay Balcad,inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn madaama xili habeen ay tahay xaaladan ay tahay mid kacsan.