Wararka naga soo gaaraya inta u dhaxeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku xaniban yihiin ku dhawaad 30 gaari oo ah kuwo xamuulka qaada ka dib markii maamulka Hirshabeelle ay kusoo rogeen Canshuuur.
Gaadiidkaan ayaa ku xaniban degaan u dhaxeeya Beledweyne iyo Matabaan oo loogu tala galay in lagu qaado Canshuur ay soo rogeen maamulka degmada Matabaan.
Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa warbaahinta u sheegay in aysan bixin karin Canshuurta lagu soo rogay, islamarkaana dhowr maalmood meesha lagu heystay.
Gaadiidkaan ayaa qaarkood waxa ay ka yimaadeen dhanka maamulka Galmudug, halka qaarkoodna ay ka baxeen Magaalada Muqdisho.
Maamulka degmada Matabaan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan Canshuur si loogu dhiso xarumaha danta Guud ee degmada