Wararka Idaacada radio cadaado ee Magaalada cadaado ay ka heleyo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa sheegayaan in Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 12-ka April ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaas.
Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaanka Dhanaane gaar ahaan wadada xeebta ee isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka,halkaas oo in muddo ah ay ku lahaayeen Fariisimo waaweyn.
Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ay ka baxeen deegaankaas,isla markaana haatan aysan jirin cid gacanta ku heysa Dhanaane.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 12-ka April ay dhanaane uga baxeen Mushaar la’aan la sheegay inay heysay Bilooyinkii ugu dambeeyay,iyagoo muddo ku dhow afar bilood aysan helin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa Ciidamada qeybta 12 April eek u sugnaa halkaasi waxaa saadka ay u baahan yihiin lagu gaarsiinayay dhinaca badda,kadib markii Wadada dhowr jeer oo horey Al-shabaab ay weeraro qaraxyo ah Kolonyada saadka u siday ay kula Eegteen.