Tahriibayaal Oo Aad U Farabadan Oo Maantay Gaaray Deegaanada Puntland

0
697

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Puntland kusii qul qulaya Tahriibayaal u dhashay qowmiyada Oromada ee dalka itoobiya, kuwaas oo doonaya inay ka tahriibaan Xeebada Puntland.

Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa 24kii Saac ee la soo dhaafay waxaa gaaray Tahriibayaal lagu qiyaasay 300 oo ruux, kuwaas oo donaya inay boosaaso uga sii tahriibaan dalka Yaman, kadibna uga sii gudbaan dalka Sacuudi Carabiya.

Laamaha amniga Puntland ayaa horay Go’aano uga soo saaray dadka ka tahriiba Xeebaha Puntland, hayeeshee go’aankaas uusan noqon mid dhaqan gala,isla markaana weli Xeebaha deegaanada Puntland laga tahriibayo.

Sidoo kale Saacadihii la soo dhaafay Magalada Garoowe waxaa gaaray tiro muhaajiriin Itoobiyaan ah oo doonaya inay tagaan Magaalada Boosaaso, si ay uga sii tahriibaan.

Puntland ayaa horaantii Bishaan waxaa ay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ka celisay tahriibayaal u dhashay Qowmiyada Oromada, kuwaas oo dib loogu celiyey Gudaha Wadanka Eithopia