Garoon Ku Yaalla Dalka New Zealand Oo Lagu Kala Cararay

0
633

Booliska dalkaasi waxay maanta sheegeen in la xiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Dunedin¸kadib, markii la helay warar ku aadan in Baqshaad weyn oo wax ku jira la garan waayey la dhigay Garoonka.

Booliska waxay isku gedaameen Garoonkaasi, iyadoo Kooxaha Baarayaasha ku hawlan yihiin sidii loo ogaan lahaa waxa ku jira Baqshadda laga shakiyey, iyadoo dadka oo idil laga saaray gudaha Garoonkaasi.

Dhowr Duullimaad ayaa la hakiyey sababo dhinaca Ammaanka ee Garoonkaasi.

Arrintan ayaa timid, iyadoo Hay’adaha Ammaanka dalkaasi la geliyey Heegan Buuxa, kadib, xasuuqii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Kirisjarj (Christchurch), oo ay ku shahiideen 50 qof oo Muslimiin ah