Shaqaalaha Wasaaradaha qaar oo loo diiday inay maraan wadada horumarta Madaxtooyadda

0
90886

Wadada Sayidka ee horumarta Madaxtooyadda Soomaaliya oo xilli hore laga mamnuucay isticmaalka gaadiidka shacabka, ayaa dhawaan sidoo kale laga mamnuucay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya.

Tilaabaddan ayaa timid  ka dib markii uu amar kasoo baxay maamulka Sare ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaraddaha ayaa cabasho badan ka muujiyay tilaabaddaan, waxaana ay sheegeen in Wadooyinka Muqdisho qaarkood ay ka cabsi qabaan in ay maraan.