Puntland oo digtay dowladda Dhexe ee Soomaaliya

0
695

Maamulka Puntland ayaa dalbaday in laga qeyb galiyo gorgorka iyo heshiis walba oo saameynaya dowladdaha xubnaha ka ah dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya.

Puntland waxa ay sidoo kale ka digtay in Laamaha dowlad goboleedyadda aan laga qeyb galin Shirarka ay yeelanayaan xubnaha Federaalka.

Puntland waxey dalbanaysaa iney qeyb ka noqoto Wadahadalada u dhaxeeyada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shirka jiheynta siyaasada Puntland oo garoowe lagu soo gabagabeeyay.