Burcad badeed Soomaali ah oo weeraray Markab Xamuul ah

0
638

Ciidamada badda ee dalka Iiraan ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay burcad badeed Soomaali ah ku afduubi rabeen markab siday shidaal oo marayay meel ku dhow gacanka Baab Al-Mandab.

Ciidanka Badda Iran waxa ay sheegeen in Kooxda ay qorsheysan weerarkaasi, islamarkaana ay doonaayeen in ay si xoog ah ku Afduubtaan Markabka.

Markabka ayaa siday 150 tan oo Shidaal ah, waxaana kusii jeeday qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Ciidanka Ilaaladda ka haayay Markabka ayaa la dagaallamay Kooxda Muddo, waxaana intaasi ka dib soo gaaray Ciidanka Badda Iran.

11 qof ayaa saarnaa doonida weerarka soo qaaday, waxaana dhammaantood ay wateen hub.