Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa ka hadlay Ciidamadii habeen kahor la wareegay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ee Magaalada Cadaado.
Madaxweyne Carabeey oo Wareysi siiyay warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadii Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado la wareegay ay yihiin Ciidamo loogu tala galay sugida amniga xarunta,isla markaana lagu geeyay codsi ka yimid maamulka Degmada iyo Beelaha wadda dega deegaanka.
Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug in halkaasi laga saaray Maleeshiyaadkii hubeysnaa ee joogay mudooyinkii dambe oo gacanta ku haayay amniga Madaxtooyadda,isagoona xusay in dhowr jeer oo horey Maleeshiyaad hubeysan ay isku qabsadeen Xarunta,hayeeshee markii dambe xal laga gaaray .
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xili habeen kahor Ciidamada Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA iyo kuwa Danab ay la wareegeen gacan ku heyntii Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ee Magaalada Cadaado,isla markaana waxaa arrinkaasi ka hor yimid maamulka Galmudug,iyagoona ku eedeeyay in amarkaas bixisay Madaxtooyadda Soomaaliya.
Khilaafka u dhexeeya Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa cirka isku sii shareeraya,iyagoona haatan kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Hoos k a Dhageyso Codka Madaxweyne Carabeey