SAWIRO: Wasiiro ka tirsan Dowladda & Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Baraawe

0
669

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Sidoo kale wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen (Eelaay), Safiirkii Kenya u fadhiyey Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Xubno kale.

Inta ay ku sugan yihiin degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka degmada,iyaga oo kala hadli doono horumarinta degmada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Xubnaha Wasiirada ay ka qeyb geli doonaan munaasabad xariga looga jarayo Garoonka Diyaaradaha Baraawe oo dib u dhis lagu sameeyey.

Waa markii labaad  ee wafdigaan ay tagaan Magalada Baraawe oo ay ka socdaan dib u dhis ballaaran,waxaana la filayaa in Sanadkaan Gudihiisa loo raro Maamulka Koonfur Galbeed oo hadda si KMGH ugu Shaqeeya Magalada Baydhabo.