Dowladda Pakistaan ayaa shaacisay inay soo riday laba ka mid ah diyaaradaha dagaalka dalka Hindiya,kuwaas oo soo galay Hawada Magalada Kashmiir.
Sareeye gaas Asif Ghafoor oo u hadlay Pakistaan ayaa sheegay in laba diyaaradood ay soo rideen mid ka mid ah ay ku dhacday dhul ay leedahay pakistaan,halka mid kale ay ku dhacday dhinaca Hindiya,sidoo kalena ay qabteen mid ka mid ah duuliyeyaashii diyaaradaha.
Dowladda Hindiya ayaa shalay oo Talaada aheyd waxa ay weerar dhinaca cirka ah ku qaaday saldhigyo ay Gudaha Pakistaan ku leeyihiin Koox Maleeshiyaad ah,waxaana weerarkaas ka carooday dowladda Pakistaan.
Dowladaha Pakistaan iyo Hindiya ayaa isku heysta lahaanshaha dhulka uu maro wabiga kashmiir,waxaana Hidniya ay weerarkii talaadada ugu aar gudaneysay weerar ay maleeshiyaad ku qaadeen fariisin ay leeyihiin ciidamadooda ee Gudaha Hindiya.
Xiisadda ayaa aad u sarraysay tan iyo 14 Feebaraayo markaas oo ciidammo sida milatariga u tababaran weerar is qarxin ah lagu bartilmaameedsaday, laguna dilay 40 askari.