Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose Muqtaar Nuur Geeysay ayaa faah faahin ka bixiyay dad shacab ahaa oo Maanta lagu laayay deegaankaasi.
Waxa uu sheegay in Nuur Geeysay dadka la laayay ay ahaayeen Shacab oo howlo Nadaafadeed ka sameenayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca deegaanka Lafoole.
Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in dadka la dilay ay tirro ahaa gaarayan ilaa iyo 9 ruux oo u badnaa Haweeyn,kuwaasi oo xiliga falkan uu dhacayay ku guda jiray shaqo ay halkaasi ka wadeen.
Sidoo waxa uu tilmaamay Geeysay in dadkaasi kooxo hubeysan ay u yimideen,isla markaana rasaas xooan ay ku fureen,iyagoona goobta ku geeriyooday.
Dadka kunool Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa aad u hadal haaya dhacdadan Maanta lagu dilay dad shacab ahaa oo howlo nadaafadeed ka sameeynayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca