Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ahna xubin ka tirsan Guddiga amniga Baarlamaanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo lagu dilay Magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay Xildhibaan Jeesow in Cismaan Cilmi Boqore uu ahaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka 10-aad sida loo soo doortay la dilo,isla markaana ahaa Ninka uga da’da weynaa Xildhibaanada Golaha Shacabka. Jeesow ayaa sheegay in Xildhiban kale oo dhaawac soo gaaray in uu jiro,xiliyada qaarna dalka ay ka dhacaan falal amni daro,isagoo xusay in Xildhibaano qaar ay jiran oo qataro kala duwan la kulmay.

0
609

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ahna xubin ka tirsan Guddiga amniga Baarlamaanka  ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Jeesow in  Cismaan Cilmi Boqore uu ahaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka 10-aad  sida loo soo doortay la dilo,isla markaana ahaa Ninka uga da’da weynaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Jeesow ayaa sheegay in Xildhiban kale oo dhaawac soo gaaray in uu jiro,xiliyada qaarna dalka ay ka dhacaan falal amni daro,isagoo xusay in Xildhibaano qaar ay jiran oo qataro kala duwan la kulmay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in 20-ka bishii November ee Sanadkii tegay gaari uu ahaa qarax lagu xiray ,isla markaana uu ka badbaaday.

Allaha u Naxariistee maalin kahor ayay aheyd markii Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore rag hubeysan ay ku dileen gudha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,kaasi oo shalay lagu Aasay Magaalada