Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa digniintaan diray Maanta xilli uu tababar u furay saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Gaashaan-dhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Maalmaha uu socdo tababarka ayaa dhinacyada ka qeyb galaya waxa ay baran doonaan xeerkan iyo habka ugu wanaagsan ee loo dhaqan gelin karo, si xeerkan uu u noqdo mid shaqeeya.
“Waxaan maanta Daah-furay Siminaar ku saabsan Xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Waxaana ka qeyb-galaya Saraakiil ka tirsan Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga”ayuu yiri Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Sharcigan lagu dhaqmo,isla markaana cidii fulin weysay sharcigaas in cawaaqib xun uu la kulmi doono,isla markaana tallaabo laga qaadi doono.
Wasaaradda Gaashaan-dhigga ayaa dadaal ugu jirta sidii loo soo saari lahaa ciidan tayeysan oo fahamsan waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed.