Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay ayaa Magaaladda Muqdisho waxay uga dhawaaqeen Shan mashruuc oo uu taageerayo Sanduuqa Nabadda ee Qaramada Midoobay.
Munaasanad lagu qabtay Muqdisho ayaa laga xusay muhiimadda ay Mahsaariicdu u leeyihiin xalinta khilaafaadka, qaabdhismeedka Dowladnimo iyo taageero siinta bulshooyinka Barakacay.
Munaasabada Mashaariicda lagu daah-furay waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Agaasimaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Cali, Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clereq, Agaasimada UNDP ee Soomaaliya George Conway iyo Ishaku Maitumbi oo ka tirsan UN habitat.
“Baaxadda Mashaariicda maaanta la bilaabay waxay ka turjumeeysaa isku xirnaanta arrimaha ay la tacaalayaan. Waa in aan taageernaa dib u heshiisiinta bulshooyinka iyo maamulka hoose” ayuu yiri Wasiir Sabriye oo Munaasabadda la hadlay.
Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha aguud u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clereq ayaa sheegay in Sanduuqa dhismaha Nabadda ee Qaramadda midoobay uu diyaar u yabay in uu ka qayb qaaato dhismaha Nabadda Soomaaliya.