Howlgallo Caawa ka socda Boosaaso

0
738

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii amniga Magaalada Boosaaso uu faraha ka baxay, islamarkaana  ay ka dhaceern dilal loo geystay Shacab  iyo Askar ka tirsan Ciidanka Puntland maalmihii lasoo dhaafay.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso