Wararka ka imaanaya Maagalada Jig-Jiga ee Caasimada Dowlad degaanka Soomalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta Ciidamo lagu daadiyay Gudaha magaalada waxaana la xiray dhamaan wadooyinka Jig-Jiga.
Magaalada Waxaa ku sugan Ciidamo kala duwan waxaana la sheegay in halkaasi ay ka socdaan Kulamo u dhaxeeya mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Wafdiga ka socda Dowladda Itoobiya ee ku sugan Jig Jiga waxaa hogaamineysa Marwada Raysal Wasaaraha Itoobiyaha Dr Aby Ahmed, wafdigaan ayaa la kulmaya Mas’uuliyiinta Dowlad degaanka waxayna kala hadlayaan Xaaladda degaanka iyo Guud ahaan Itoobiya