Madaxweynaha dalka Haiti Jovenel Moise ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray in uu xilka isaga tagayo, isagoo ku tilmaamay wararka sidaa sheegaya, in ay ka dambeeyaan kuwa uu ku tilmaamay in ay leeyihiin dano gaar ah.
Qalaalo xooggan ayaa ka taagan dalkiisa, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo, in uu xilka sii haayo Mr Moise.
Dadka ayaa wadooyinka ku gubaya taayaro, iyaga oo qaar kamida wadooyinkaas u diiday in ay maraan gawaarida, waxaana jirtay marar badan isku dhacyo dhex maray iyaga oo ciidamda ammaanka.
Moise dadkiisa waxa ay ku eedeenayaan in uu ku kacayy lunsasho hanta dadweyne, dadka ayaana ah kuwa ku dhawaaqana “Moise is casil Fadlan”.
Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku eedeeyay madaxwe
maasuq, waxaa ay ugu baaqeen inuu xilka iska casilo.
Cabsi xooggan ayaa ka taagan dalkaasi oo ah in dadka dhigaya Mudaaharaadyada dhigaya ay rabshao kiciyaan, dalalka Brazil, iyo Mareykanka ayaa muwaadiniinta ugu baaqay in si deg deg ah ay kaga soo baxaan Haiti, halka Canada-na ay si ku meel gaar ah ay u xirtay Safaaradii ay ku lahayd dalkaas