Waxaa gobolka Deyr-Azuur ee bariga dalka Syria weerar xoogan ku dhaxmaray kooxda lamagac baxday Khilaafada Islaamka iyo falaagada kurdiyiinta oo taageero xoog leh ka helaya ciidamada mareykanka.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay goobaha ugu danbeeyo ay Daacish kaga sugan yihiin gobolka Deyr-Azuur.
Weerarka oo ay qaadeen kooxda Kurdiyiinta ayaa waxaa dhanka cirka ka caawinayay diyaaradaha mareykanka oo duqaynaya goobaha ay Isis halkaasi uga sugantahay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kudhawaad 600 oo kamid ah dagaalamayaasha Daacish ay iskagasoo baxeen goobo ay kaga sugnaayeen xaafada Baghuus oo u dhaw xadka Ciraaq.
Kudhawaad 2,000 oo shacab ah ayaa iskaga soo barakacay goobaha ay daacish uga suganyihiin bariga dalka siiriya.
Dowlada mareykanka iyo kooxda kurdiyiinta oo isgarabsanaya ayaa labadaba balanqaaday in isbuucan ay soo afjari doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish