Sarkaal ka tirsan booliska oo lagu dilay Muqdisho.

0
756

Sida la sheegay koox hubeysan oo watay gaari nooca raaxadda ah ayaa Maanta waxaa ay degmada Hodan ku dileen Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafadda Barmuudo oo ka tirsan degmada Hodan, waxaana sarkaalka la dilay Magaciisa lagu sheegay Cali Canshuur.

Goobjoogayaal ayaa Radio u sheegay in sarkaalka uu ka soo baxay Saldhig ay Ciidanka Booliska ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo, kadibna halkaasi lagu dilay.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay.

Xalay ayaa ugu dambeysay kadib markii koox hubeysan ay qof ku dileen isla degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.