Doorashada Oo La Sheegay In Musuq-Maasuq Baah-san Uu Ka Jiro…

0
666

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka 9aad ee hadda wakhtigiisii sii dhamaanayo ayaa sheegay in doorashada uu ka jiro musuqmaasuq baahsan.

Xildhibaanka waxa uu xusay inuu ka cabsi qabo in dowladnimadii Soomaaliya ay mugdi galsho, maadama qolo kastaa ay leedahay annagaa maanta xaq u leh kursiga, iyadoo aan la eegayn yaa u qalma oo dowladnimada Soomaaliya waxqabad dhab ah ka sameyn kara.

Xildhibaanku waxa uu rajo xumo ka muujiyay ergada 51 qof ah ee soo dooraneysa xildhibaanada oo uu ku sheegay iney sababi karaan isku dhac hor leh oo ka dhex dhaca beelaha Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay inuu musuq badani jiro

Xildhibaan Cabdi Barre waxa uu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalkooda ka fikiraan oo ay soo xulaan dad dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hor seedi kara horumar

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa horey u shaaciyay wakhtiga doorashada aqalka hoose ee baarlamaanku in uu soo gabagaboobi doono 10 November oo hadda ay ka harsan tahay 7 cisho oo qura, iyadoo illaa hadana aaney jirin wax doorasho ah oo lagu soo xulayo xubnaha aqalka hoose ee baarlmaanka Soomaaliya.