Taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa ugu digay Ciidamada aan qaybta ka ahayn howlgalka billowday in ay gudaha Magaalada Hub iyo Direysba ku qaataan, isagoo ku cel celiyay in Agab Milliteri loo oggol yahay oo qura Ciidamada markaas shaqaynaya.
Col. Geedi ayaa ugu danbayntii shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amniga, isla markaana ay u soo gudbiyaan falalka lidiga ku ah Amniga