Maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in ay soo qabtayn Haweeney la sheegay in ay Gowracday canugeeda oo dhalan 60 maalmood. Sidoo kale Ciidamada Booliiska ayaa soo qabtay dad kale oo ku eedeysan in ay gacan ku lahaayeen gowraca canugaasi.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada waxaa qabsaday sawirka canug yar oo la gowracay, lama oga sababta ka dambeysa Gowraca canugga saqiirka ah. Hey’adaha ammaanka wali kama hadlin arintaan.
Arintaan ayaa layaab iyo fajac ku noqotay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, aad ayaa looga hadal haayaa arintaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.