Madaxweynaha”Maamulka Hir-Shabeelle, Oo Beeniyay War Lagu Xantay…

0
589

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle cali cabdulaahi cosoble ayaa beeniyay in wadanka isutaga imaaraadka carabta u u tagey in musharax gaar ah uu taageero arintaana isaga iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada  ay dowlada imaaraadka cadaadis ku saartay sida ay musharax gaar ah u taageeri lahaayeen.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in siyaasad la xariirta arimaha doorashooyinka ay u tageen imaaraadka isagoona hadalkiisa intaasi ku sii daray in dowlada imraadka aysan la wadaagin talooyin la xariira arimaha doorashooyinka.
Madaxweynaha hirshabeelle ayaa sheegay in xiligaan ay jiri karaan tuhuno geli karo dadka maadaama lagu jiro xili kala guur ah waxa uuna sheegay in arimo la xariiro taageero musharax ay yihiin warar dacaayadeysan.
Cali cabdullaahi cosoble ayaa waxa uu ugu danbeynti sheegay in dowlada isutaga imaraadka carabta uu kala hadlay arimo ku aadan sida imaaraadka ay u taageeri lahaayeen maamulka hirshabeelle.
Dhawaan waxaa magaalada Abuu dhabi kulan kuwada qaatay madaxda dowlada imaaraadka carabta iyo sidoo kale madaxweynayaasha maamul goboleedyada.