Suudaan ayaa dib u fureysaa xadka ay la wadaagto dalka Eritrea kaddib markii sanad ka hor ay xirtay xadka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Suudaan ayaa ka shakisay in xadka Eritrea looga soo gudbiyo hubka sharci darrada ah.
Madaxweyne Cumar Al bashiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada Kisala oo ku taalla bariga Suudaan.
“Waxaan shaaca ka qaadaya anigoo ku sugan magaaladan Kisala, in aan dib u fureyno xadka dalkeenna uu la wadaago Eritrea sababtoo ah waa walaalaheen waana dadkayaga, siyaasaddu nama kala qeybiso Si qoto dheer ayaana kaga wada hadalbay aniga iyo dhigayga Eritrea” waxaa sidaasi yiri Madaxwayne Al Bashiir.