Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) R/Wasaare xigeenka dalka oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Halka sano ee maamulka gobolka Banaadir ee uu Gudoomiye u yahay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.
R/Wasaare ku xigeenka dalka ayaa si kulul u edeeyay Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona hadalkiisa u muuqday mid weerar ku ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Sidoo kale R/Wasaare xigeenka ayaa Waxaa uu tilmaamay in ay jiraan Siyaasiyiin tiro yar oo xanaaqsan oo aan arkeynin waxa ay qabatay Dowladda dhexe ama Gobolka Banaadir, isagoona si kulul u eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya.