Weerar ay dadi ku dhinteen oo lagu qaaday Masjid ku yaalo dalka Filibiin

0
671
?

Ugu yaraan labo ruux ayaa geeriyootay halka afarkalana ay dhaawacmeen kadib weerar ka dhacay Masjid ku yaalo koonfurta dalka Filibiin.

Weerarka ayaa kadhacay magaalada lagu magacaabo Zambonga galinkii hore ee maanta.

Weerarkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa maalmo uun kadib markii labo qarax oo aad uculus lala bartilmaamaydsaday kaniisad ku taalo jasiirada lagu magacaabo Jolo.

Weerarkaas oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda lamagac baxday khilaafada islaamka ee Isis ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 20 ruux.

Afhayeenka milatariga dalka Filibiin ayaa wakaalada wararka ee AFP u xaqiijiyay in weerarka lala eegtay Masjidka ay ku dhinteen 2 ruux halka 4 ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Afhayeen u hadlay madaxwaynaha dalka Filibiin ayaa dhankiisa sheegay in dagaalamayaasha weerarka ka gaysta gudaha dalka Filibiin ay caqabad xoogan ku yihiin horumarka iyo xasiloonida nabadeed ee dalkaasi kajirta.